Sabti 17, May 20225 {HMC} Magaaladda Baqdaad ee caaasimadda Ciraaq waxaa maanta oo Sabti ah ka furmaya shirka sanadeedka 34aad ee ururka Jaamadcadda Carabta, kaas oo looga hadli doono qodobo la xiriira danaha dawladaha carabta.
Shirka ururka Jaamacadda Carabta ayaa doorkan waxaa looga hadli doonaa qodobo ay ka midyihiin isbadalka ka dhacay dalka Suuriya, colaadda ka socota dalalka Yeman iyo Suudaan, qadiyadda Falastiin iyo xasuuqa ka socda magaaladda Qasa.
Sidoo kale shirka inta uu socda ayaa la filayaa in looga hadlo xaaladda Soomaaliya iyo sidii madaxda carabtu ay gacan uga gaysan lahaayeen arimaha ka jira Soomaaliya.
Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa maalinimadii shalay gaaray magaalada Baqdaad si ay uga qayb galaan kulankaan oo ay isugu imaanayaan dhammaan madaxda dalalka carabta.
Afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya oo warbaahinta Madaxweynaha la hadlay ayaa sheegay in madaxwaynaha Soomaaliya uu khudbad ka jeedin doona shirka, taas uu uga hadli doono aragtida dowladda ee ku aadan qadiyadda Falastiin iyo xaaladihii ugu danbeeyay ee Soomaaliya ee ku aadan amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.