Sabti 17 My 2025 {HMC} Dilka Taliyihii guutada 26-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Salaad Xujaale ayaa la sheegay inuu geystay askari ka tirsan ciidanka uu taliyaha uu ahaa.
Dilka Taliyaha ayaa ka dhacay duuleedka nawaaxiga deegaanka Mabaax oo hoos tago Dagmada Moqokori ee gobolka Hiiraan xili uu halkaasi ka socday dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka Taliyaha iyo inu jeedka dilkiisa uu ahaa mid shirqool ah, waxaana lasoo wariyay in taliyaha ay haleeshay rasaas laga riday mid ka mid ah qoryaha culus ee gaadiidka dagaalka.
Dhiaca kale waxaa gacanta lagu dhigay askariga geystay dilka Taliyahii guutada 26-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Salaad Xujaale isaga iyo askar kale ee la socotay.
Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle Maxamed Shuuriye Nuur ayaa xaqiijiyay geerida Taliye Cabdiraxmaan Xujaale, isagoo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga tacsiyadeeyay geerida Taliyihii guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee ka howlgaka Gobalka Hiiraan Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Xujaalle.
Dilka Taliye Xujaale ayaa imaanaya, iyadoo bishii April ee sanadkaan lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose Taliyihii guutada 14 October Nuur Maxamed Gaabow Nuur Furey, kaasoo uu dilkiisa geystay askari ku dhex jiray ciidamada Xoogga dalka.