Axad 18, My 2025 {HMC} Faah-faahin dheerad ayaa kasoo baxaysa dagaalka saaka kasocda deegaanka ceel-hareeri ee hoostaga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalkaan ayaa udhaxeeya Ciidamada dowllada oo kaashanaya Kuwa deegaanka iyo Kooxda AS kaasi oo zaaka Aroornimadii hore ka qarxay Deegaanka Ceel-hareeri.
Waxaa jiro qsaare iskusgu jiro dhimasho iyo dhaawac balse lama Xaqiijin Tirada Qasaaraha Rasmiga ee ka dhashay dagaaladii saaka.
Is-gaarsiinta oo halkaasi laga heli karin owgeed nooma suurta-galin inaan helno saraakiisha hogaaminaysa dagaalka balse waqtiga ugu dhaw ee aan helno Xiriirkooda waan idiin soo Gudbin doona Hadii Alle idmo.
Degaano badan oo katirsan Gobolka Hiiraan waxaa maalmihii lasoo dhaafay dagaallo qaraar ku dhax-marayay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Deegaanka iyo Xubno ka tirsan kooxda AS waxaana ku gacan sareeyay Ciidamada Xaq udirirka degaanka sida ay sheegeen Saraakisha Hogaaminaysa Dagaallada.