Dowllada Soomaaliya oo War kasoo saartay dagaaladii ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

0
27

Axad 18, May 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay lagu laayey Al-Shabaab oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

”Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha difaaca deegaanka ee Hiiraan ayaa ku jabiyay maleeshiyaadka Khawaarijta ah, weeraro ay kusoo qaadeen deegaano dhaca xadka labada gobal.
Geesiyaasha degaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa hawlgallo socday ku dhawaad 48 saacadood ku dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta , iyagoo sidoo kale cadowga ka furtey hub aad u badan” ayaa lagu yiri warka dowllada.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku sii daray, “Geesiyaasha Qaranka waxay
Khawaarijta ku jabiyeen isku dayadii ay ku doonayeen in ay isku
ballaariyaan, waxaana ay hadda ku baacsanayaan deegaano ka tirsan
Shabeellaha Dhexe.”

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay
Ciidanka Xoogga Dalka iyo halgamayaasha reer Hiiraan ee cagta mariyey
damaca kooxda AS, isla markaana muujiyay geesinimo iyo adkaysi.

“Dawladda Soomaliya oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed iyo
saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in dalka laga ciribtiro Khawaarijta,”
ayaa lagu soo gabagabeeyey warkaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta
Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here