Gaalkacyo oo ka taagantahay Xiisad udhaxaysa Ciidamada PSF iyo Kuwa Puntland.

0
14

Isniin 19, May 2025 {HMC} Maamulka Puntland ayaa si kulul ugadigay in uu adeegsan doono taankiyo iyo madaafiic si uu u joojiyohowlgallada ciidamada Puntland Security Force (PSF) ay ka wadaan magaalada Galkacyo, isaga oo ku eedeeyay in ay si sharci-darro ah u
fuliyaan hawlgallo aan fasax ka haysan dowladda hoose.

Hanjabadda waxaa jeediyay guddoomiyaha gobolka Mudug, Faysal Sheekh
Cali (Jifo Jabsade), kaddib markii PSF ay habeenno dhowr ah ka fuliyeen
howlgallo magaalada gudaheeda. Guddoomiyaha ayaa sheegay in PSF aysan
si rasmi ah ugu diiwaangashaneyn hay’adaha amniga ee Puntland, wuxuuna
uga digay in wax kasta oo dhaq-dhaqaaq ciidan ah oo kale loo aqoonsan
doono fal dambiyeed.

“Haddii aad mar kale saldhigga ka baxdaan, magaalada waxay isu rogi
doontaa goob dagaal,” ayuu yiri Jifo Jabsade. “Waad arkaysaan taankiyada
iyo madaafiicda idinku hareeraysan. Galkacyo ma ahan meel lagu ciyaaro.”

PSF oo la aas-aasay 2002, iyadoo taageero ka helaysa Mareykanka si loogu
hortago argagixisada iyo burcad-badeedda, ayaa si tartiib tartiib ah u
noqotay cutub ciidan oo si heer sare ah u tababaran, u hubeysan, uguna
takhasusay la-dagaalanka argagixisada iyo sirdoonka. Inkasta oo si rasmi ah
ay uga tirsan tahay maamulka Puntland, haddana PSF ayaa sanadihii dambe
u dhaqmeysay si madax-bannaan, taasoo keentay khilaaf joogto ah oo kala dhaxeyo Saciid deni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here