Kulanka Golaha Shacabka oo maanta Qabsoomay iyo Sharciyo la Horkeenay

0
19

Isniin 19, May 2025 {HMC}  Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 14-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kooramka kulanka oo ku furmay 146-xildhibaan, waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta koowaad ee Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta iyo Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.

Ugu horeyn, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed AlMakhzoumi ayaa Golaha Shacabka u faahfaahisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta iyo qodobada uu ka koobanyahay,

Xildhibaanadda Golaha ayaa wasiirad Khadiija waxa ay weydiiyeen su’aalo ku saabsan mabaadii’da guud iyo saameynta miisaaniyadeed ee uu yeelan karo axdigan.

Golaha Shacabka ayaa sidoo akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedkan Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macalin Maxamuud.

Ugu dambeyn guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyadda ku shaqada leh labada hindise in ay soo diyaariyaan akhrinta labaad dibna ay Golaha ugu soo celiyaan si looga doodo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here