Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka degmada Aadan-yabaal.

0
62

Talaado 20, May 2025 {HMC} Faah Faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeeyso dagaal Culus oo udhaxeeya Ciidamada deegaanka iyo dowlada oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab kaasi oo ka socda deegaano hoostaga degmada aadan yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhaxe. Dagaalkan waxaa qaaday Ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawisleeyda.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleeyno dagaalka ayaa waxaa ay sheekeyaan in dagaalka uu yahay Mid aad u Culus waxaana uu si Gaar ah ugu Socdaa deegaanka Luqleyga Cali Sida uu mid kamid ah Ciidamada deegaanka Hiiraanweyn usheekey,

Mid kamid ah Ciidamada deegaanka ayaa Hiiraanwey u sheegay in Khasaaro xoog leh lagu gaarsiiyay Dagaalkii Manta Socda. Waxaana uu sheegay in dagaalka Markii lasoo gaba-gabeeyo kadib ay Warbaahinta la hadle doonaan.

Dagaaladii Sadaxdii maalin ee ugu dambeeyay ka dhacay inta udhaxeeyso Mubaax iyo Aadan yabaal ayaa sababay dhimashada 80 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah. Dowlada Soomaaliya ayaa shegtay in 70 Al-shabaab ah lagu dilay dagaalka socda.

Taliyaha Hay’ada Nisa Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe iyo Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa ku sugan Furumaha dagaal ee Gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ay ka wadaan Abaabul dagaal oo ka dhan Al-shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here