Dalalka Britain, France iyo Canada oo sheegay iney “falal xadgudub ah” ah Israel ka waddo Gaza,

0
16

Talaado 20, May 2025 {HMC}– Hoggaamiyeyaasha Britain, France
iyo Canada ayaa Isniintii si adag u cambaareeyay waxa ay ku
tilmaameen “falal xadgudub ah” oo Israel ka waddo Marinka Gaza,
iyaga oo uga digay inay qaadi doonaan tallaabooyin mideysan haddii
Israel aysan joojin weerarka milatari ee sii kordhaya iyo xayiraadda
saaran gargaarka bani’aadannimo.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer, Madaxweynaha Faransiiska
Emmanuel Macron iyo Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney ayaa
si gaar ah u cambaareeyay diidmada Israel ee gargaarka iyo hadallo

Inkasta oo aysan caddeyn nooca tallaabooyinka la qaadi doono,
waxay intaas ku dareen: “Waxaan naga go’an in aan aqoonsanno
dawlad Falastiini ah oo qeyb ka ah xalka laba-dowladood ah,
waxaana diyaar u nahay in aan kala shaqeyno waddamada kale sidii
loo xaqiijin lahaa arrintaas.”

Bayaankan ayaa ku beegmay baaq kale oo ay si wadajir ah u soo
saareen 22 dal—oo ay ku jiraan Britain, France iyo Canada—kaas oo
Israel looga codsaday in ay si degdeg ah u fasaxdo “gargaarka buuxa
ee Gaza,” iyada oo la xusay in shacabka ku nool Marinka Gaza ay
wajahayaan “macaluul baahsan.”

Israel ayaa Gaza ku haysay go’doon gargaar tan iyo 2-dii Maarso,
balse Isniintii waxay sheegtay in ay oggolaan doonto tiro kooban oo
gaadiid gargaar ah in ay gudaha galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here