Talaado 20, May 2025 {HMC}- Dowladaha Pakistan iyo India ayaa isla ogolaaday in ciidamada dheeraadka ah ee xadka geeyay xilligii dagaalka dib loogu celiyo goobohoodi nabadeed kahor dhammaadka bisha May, sida uu wakaaladda wararka AFP u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Pakistan.
In ka badan 70 qof ayaa ku dhintay dagaalka socday afar maalmood, kaas oo ka dhashay weerar lagu qaaday dalxiisayaal ku sugnaa Kashmirta ay maamusho Hindiya bishii la soo dhaafay. Weerarkaas ayaa New Delhi ku eedaysay Islamabad inay gadaal ka riixaysay, eedeyntaas oo ay Pakistan beenisay.
Dagaalka milatari ee dhacay ayaa waxaa ku lug lahaa weerarro is-daba joog ah oo ay ciidamada labada dhinac isdhaafsanayeen iyadoo la adeegsanayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallo iyo madaafiic culculus.
“Ciidamada waxaa dib loogu celin doonaa meelahoodii ay joogeen ka hor dagaalka dhammaadka bisha May,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP sarkaal sare oo ka tirsan Pakistan ka tirsan, isagoo codsaday in aan magaciisa la shaacin maadaama uusan uu fasax u haysan in uu saxaafadda la hadlo.
Sarkaalka ayaa sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen in si tartiib-tartiib ah loo kala qaado ciidamadii dheeraadka ahaa iyo hubkii la geeyay, kuwaas oo intooda badan la geeyay xuduudda aadka u hubeysan ee Kashmir, oo loo yaqaan Khadka Xakamaynta (Line of Control – LoC).
Arrintan ayaa timid kadib markii ciidamada India toddobaadkii hore sheegeen in labada dhinac ay isla ogolaadeen in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin lagu dhimayo tirada ciidamada ku sugan xuduudaha iyo goobaha hore ee dagaalka.
Kashmir ayaa ah dhul ay si buuxda u sheegtaan labada dal ee India iyo Pakistan — kuwaas oo dhowr jeer dagaal ku dhex maray gobolkaasi tan iyo markii ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska sanadkii 1947.