Talaado 20, May 2025 {HMC} Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa saaka waaberigi lagu weeraray xarunta taliska ciidamada AUSSOM ee Xalane iyo nawaaxiga garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ku sugan nawaaxiga garoonka Aadan cadde ayaa sheegaya inay maqleen jugta illaa afar qarax oo ka dhashay madaafiic lagu soo tuuray xarunta Xalane saaka aroornimadii wax yar ka dib salaadii subax.
AS ayaa daqiiqado ka dib duqeynta waxay baahisay inay ka dambeeyeen madaafiicda lagu weeraray Xalane.
Marka laga yimaado sheegashada AS ma jiraan warar madax banaan oo ka hadlaya weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay, sidoo kale lama hayo illlaa hadda war la xiriira falkan oo ka soo baxay taliska AUSSOM iyo laamaha amaanka DF.
Xarunta Xalane oo ah meel amaankeeda si weyn loo ilaaliyo ayaa waxaa ku yaalla taliska ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika, waxaana sidoo kale degan Safaaradaha reer galbeedka, heyadaha samafalka iyo kuwa UN-ka qaarkood, shirkado ajnabi ah iyo heyaddo kale, mana ahan markii ugu horeysay ee AS ay madaafiic ku weerarto Xalane.