Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Wufuud heer Caalami ah oo qayb-galay Xuska 18 may.

0
17

Talaado 20, May 2025 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa qaabilay Wufuud heer Caalami ah oo u yimid ka qayb-galka Xuska Sannad-guurada 34-aad ee maalinta Somaliland ay sheegtay iney ka go’day Somalia inteeda kale.

Wufuuddan ayaa ka kala socotay Waddamada Boqortooyada Ingiriiska (UK), UAE, Kenya, Djibouti iyo Dawladda Deegaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya (DDSI).

Madaxweynuhu waxa uu Wufuuda uga mahad celiyey sida sharafta leh ee ay uga soo qayb galeen Munaasibadda Xuska18-ka May, isaga oo xusay in Somaliland ay si weyn u qadarinayso xiriirka saaxiibtinimo iyo wada-shaqaynta ay la leedahay Beesha Caalamka, gaar ahaan dalalka ay wufuuddu ka socdeen.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Ciyaartoy-ga Caanka ku ah Kubadda Cagta ee Kanu Nwankwo oo hore ugu safan jiray Xulka Qaranka Dalka Nigeria iyo Kooxaha Arsenal iyo Inter Milan.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa si diirran u soo dhaweeyey Kanu, isagoo uga mahad celiyey booqashada uu ku yimid Somaliland iyo doorka uu ka qaatay kor u qaadista sumcadda iyo muuqaalka wanaagsan ee Somaliland ku leedahay dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here