Aas Qaran oo Muqdisho oo maanta lagu aasay UN Taliye Xujaale.

0
29

Wednesday 21, May 2025 {HMC} Magaalada Muqdisho waxaa maanta aas qaran loogu sameeyey Taliyahii guutada 26-aad ee xoogga dalka, Col. Cabdirahman Xujaale oo la dilay isaga oo ku sugan deegaanka Mubaax u dhaxeeya magaalooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal.

Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin; Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeennada Golaha Aqalka Sare, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, iyo Saraakiil ka tirsan ciidan Xoogga dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Taliyaha uu dhintay isaga oo dalkiisa u shaqeenaya, loona baahan yahay in dalka loo huro dhiigga, “Waddadan uu dalka ku badbaadi karo waa in dhiig loo daadiyaa, waxa ugu weyn ee loo baxsho waa dhiigaas.”

Geerida Taliyaha ka dib dowladda Soomaaliya oo samaysay Baaritaannada horudhaca ayaa tilmaamaya in askariga dilka geystay oo tirsana guutada Taliyaha, waxaana xogaha ay tilmaamayaan in gacanta lagu dhigay askariga dilka geystay lana filayo in la keeno magaalada Muqdisho.

Deegaanka Mubaax oo ku yaalla xuduudda u dhexeysa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa xilliga dilka dhacayay waxaa ka socday dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda iyo AS.

Col. Xujaale ayaa ahaa sarkaal si weyn uga qeyb qaatay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda bartamaha Soomaaliya gaar ahaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here