Arbacada 21, May 2025 {HMC}- Ciidamada gaarka ah ee Gaashaan ee hoostaga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa xalay saqdii dhexe fuliyay howlgal qorshaysan oo ay ku beegsadeen kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeellada Hoose.
Howlgalka oo si gaar ah loo qorsheeyay ayaa lagu weeraray goobo lagu tuhunsanaa in ay saldhig u ahaayeen Al-Shabaab, iyadoo ciidamada ay gudaha u galeen godod ay kooxdaasi si qarsoodi ah ugu dhex jireen. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in duqeymo xooggan oo cirka ah lagu garaacay bartilmaameedyo muhiim ah.
Wararka ayaa sheegaya in howlgalka lagu dilay xubno muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada khasaaraha.
Sidoo kale, waxaa la burburiyay agab ciidan iyo xarumo istaraatiiji ah oo ay kooxdaasi ku lahayd deegaanka.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.