Xaaladdii ugu dambeysay ee Qasa

0
18

Arbaco , 21, May 2025 {HMC} Dad gaaraya laba milyan oo qof ayaa xaalad macluul ah ku wajahaya magaalada Qasa.

Waxaa indhaha lagu hayaa halka ay gawaarida gargaarka sida ay gargaarkaas geyn lahaayeen iyo qaabka ay dadka u gaarsiin lahaayeen gargaarka.

Tan iyo shalay, kolonyada gargaarka sida ayaa sugayay oo doonayay inay gargaarka dadka gaarsiiyaan balse weli waxba iskama bedelin arrintaas.

Xitaa hadii ay 100 gawaari oo gargaar sida ay gudaha u galaan Qasa, xaaladda waxba kama bedeli doonto sababtoo ah Qasa waxay cunto la’aan ahayd muddo 11 todobaad ah.

Sawiro la soo dhigay baraha bulshada oo suuqyada magaalada laga soo qaaday ayaa muujinaya in suuqa aysan waxba oolin, khudaar jirin, cunto, hilib iyo digaagna aysan suuqa yaalin.

Waxaa taasi ka muhiimsan, in isbitaalada aysan koronto lahayn, iyo sidoo kale shidaal loo adeegsado in lagu kiciyo matoorada ku shaqeeya shidaalka. Dawooyin ma leh, boqolkiiba 25 biyaha Qasa waa kuwo nadiif ahayn oo la cabi karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here