Shaqaale Israa’iiliyiin ah oo lagu toogtay banaana madxafka yahuudda ee Washington

0
16

Khamiis, 22, May 2025 {HMC} Laba shaqaale oo ka tirsan safaaradda Israa’iil ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa xalay lagu toogtay meel u dhow matxafka yahuudda oo ku yaala magaaladaas.

Labada qof ee Israa’iiliyiinta ahaa lammaane, ayaa la toogtay xili ay ka soo baxayeen xaflad ka dhaceysay madxafka oo looga hadlayay sida loo caawin lahaa dadka reer Qasa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta magaaladaas.

Waxaa gacanta lagu soo dhigay nin looga shakisanyahay inuu ka dambeeyay dilka, kaas oo lagu sheegay Elias Rodriguez oo 30 sano jir ah.

Weerarka ayaa dhacay markii labada shaqaale ay ka soo baxayeen munaasabad ay soo qabanqaabisay Guddiga Yuhuudda ee Maraykanka (AJC). Dadka la dilay waxaa la sheegay inay ahaayeen lammaane dhalinyaro ah oo qorsheynayay inay is guursadaan.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in dhacdadan ay u muuqato bartilmameed.Weli si rasmi ah looma shaacin dadka la toogtay oo ah nin iyo qof dumar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here