Jimco 23, May 2025 {HMC} In ka badan 90 gaari xamuul ah oo gargaar bini’aadantinimo wadda ayaa ku sugan Marinka Qasa, ayadoo halkaas ay ku sugan yihiin kooxo Qaramada Midoobay ka socda, saddex maalmood kadib markii Israa’iil ay fududeysay xayiraad socotay 11 toddobaad.
Gargaarka oo ka kooban bur, cuntada carruurta iyo qalab caafimaad ayaa laga soo qaaday isgoyska Kerem Shalom habeenkii Arbacada, waxaana loo gudbiyay bakhaarro loogu talagalay in dadka loogu qaybiyo.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dib u dhaca ku yimid gargaarka ay sabab u tahay amni la’aanta ka jirta waddada kaliya ee ay Israa’iil ogolaatay in la marsiiyo gawaarida gargaarka sidda.
Mas’uuliyiinta Israa’iil waxay sheegeen inay ogolaadeen 100 gaari oo oo dheeri ah oo xamuul ah inay ka gudbaan isgoyska Kerem Shalom Arbacadii.
Si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in gargaarkaan aanu wax badan ka badeleyn baahida aadka u baaxadda weyn ee ka jirta Qasa.