Jimco 23, May 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo bandhigay sawir laga qabtay muuqaal ay horay u duubtay wakaaladda wararkaka ee Reuters, kaas oo muujinayey dad mayd ah oo gaari lagu daabulayo. Sawirka oo laga qaaday magaalada Goma ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, ayuu Trump si ‘marin habaabin’ ku jirto ugu tixraacay xasuuq uu sheegay in loo geysto caddaanka Konfur Afrika.
“Dadkaan aad aragtaan dhammaantood waa beeraley caddaan ahoo la duugayo,” ayuu Trump oo kor u haya sawir daabacan xilli uu Arbacadii Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ku qaabilay dhiggiisa Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa.
Run ahaantii, sida lagu xaqiijiyey baaritaan ay sameeyeen koox ka tirsan dabagalka Reuters, sawirka uu Trump soo bandhigay waxaa laga soo qaatay muuqaal ay daabacday wakaaladda Reuters 3-dii Fabraayo 2025, kaas oo muujinayey shaqaale samafal oo gaari ku guraya maydadka dadku dhintay dagaal u dhexeeyey ciidamada Kongo iyo fallaagada M23 oo ka dhacay magaalada Goma.
Sawirkan la tusay Madaxweyne Ramaphosa intii ku guda jirey kulan buuq iyo farataag-taag ku dhammaaday oo uu la yeeshay Trump, waxaa laga soo xigtay warside ay leeyihiin xagjiriinta Mareykanka oo la yiraahdo American Thinker, kaas oo buunbuuniya qaddiyadda caddaanka Konnfur Afrika.
Aqalka cad ee Mareykanka oo laga codsaday in uu faahfaahin ka bixiyo sababta loo marinhabaabiyey xaqiiqda muuqaalka wax jawaab ah lagama helin. Andrea Widburg oo ah tifaftiraha guud ee mahaladda American Thinker, islamarkaana ah qortay faallada sawirkaas muranka dhaliyey ayaa mar ay ka jawaabaysey su’aalo uga yimid Reuters waxay ku andacootay in malaha Trump “sawirka isku khalday.” Waxayse difaacday dhaleecaynta ay u jeedisey siyaasadaha dowladda Ramaphosa eek u aadden caddaanka Koonfur Afrika oo ay ku tilmaantay mid gacan-bidixeyni ku jirto.
Muuqaalka sawirka laga soo qaatay oo muujinayaa xabaal wadareed ka dhashay dagaalkii Goma ku dhex maray ciidamada dowladda iyo kooxda M23, waxaa qaaday filim-qaadaha Reuters, Djaffar Al Katanty.
“Maalintaas waan xasuustaa. Maalin dhib badan ayey ahayd, wariyeyaashana wey ku adkeyd in ay gudaha u galaan aagga dagaalka… Waxaan ku khasbanaaday in aan si toos ah ula xaajoodo M23 islamarkaana aan la falgalay hay’adda laanqeyrta Cass ee ICRC si la iigu ogolaado in aan filim-ka qabto,” ayuu yiri Al Katanty. “Reuters oo qura ayaa muuqaal ka haysa dhacdadaas.”
Al Katanty wuxuu intaas ku daray in uu aad ula yaabay markuu arkay Trump gacanta ku haya warside uu ku xardhan yahay sawir laga soo qabtay muuqaalkii uu isagu gacantiisa ku duubay.
“Madaxweyne trump wuxuu sawirkeyga u isticmaalay si khaldan, iyadoo dunida oo dhan ay arkeyso. Waa muuqaal aan ka qabtay DRC siu u madaxweyne Ramaphosa uga dhaadhiciyo in sawirka dalkiisa laga soo qaaday, islamarkaana dunida uga gado in dadka caddaanka ah ay ku dhimanayaan gacanta madowga,” ayuu yiri Al Katanty.
Madaxweyne Ramaphosa ayaa todobaadkan booqday Washington si uu u hagaajiyo xiriirka ka dhexeeya Mareykanka, ka dib canaan uga timid madaxweyne Trump oo la xiriirtey goboodfallo sida uu sheegay lagu hayo beeraleyda ka soo jeeda caddaanka laga tirada badan yahay ee Koonfur Afrika, eeddaas oo dowladda Koonfur Afrika genefka ku dhufatay.
Trump ayaa dhowr jeer hakiyey kulanka uu la yeelanayey Ramaphosa oo si toos ah telefishinnada looga daawanayey, si uu ugu daaro muuqaallo la isku keen-keenay oo sida uu sheegay muujinayey gumaad lagula kacay beeraley caddaan ah oo u dhashay Koonfur Afrika. Laakiin muuqaallada intooda badan ayaa ku saleysnaa been-abuur iyo ku-tiri-ku-teen ay soo waarideen kooxo xagjir ah oo buunbuuniya qadiyadaha ku saleysan midab-takoorka.
Intaas ka dib Trump ayaa soo qufay maqaallo horay loo daabacay oo si qoto-dheer u sheegay falal liddi ku ah dadka caddaanka ah ee loo yaqaan Afrikaaner oo uu sheegay in si joogto ah loola beegsado dil iyo boob aan kala joogsi lahayn.
XIGASHO BBC