Nin loo haysto dilka shaqaale ka tirsanaa safaaradda Israa’iil ee Mareykanka oo dacwad lagu soo oogay

0
28

Jimco 23, May 2025 {HMC} NinkA looga shakisan yahay dilka laba shaqaale ah oo ka tirsanaa safaaradda Israa’iil ee Washington DC ayaa Arbacadii lagu soo oogay dacwad ah dil heerkiisu yahay darajada koowaad. Sarah Lynn Milgrim iyo Yaron Lischinsky ayaa la toogtay iyaga oo ka baxayay Matxaf Israa’’iiliyiintu leeyihiin oo ku yaalla caasimadda Mareykanka ee Washington DC.

Elias Rodriguez, oo 31 jir ah, ayaa lagu qabtay goobta falku ka dhacay. Booliiska ayaa sheegay in uu ku qayliyay “Xoreeya Falastiin” ka hor inta aan la xirin.

Xeer-ilaalintu waxay sheegeen in ay baarayaan weerarka iyagoo u arka fal nacayb iyo argagixisanimo ah, isla markaana la filayo in dacwado dheeri ah lagu soo oogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here