Sabti 24, May 2025 {HMC} Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ayaa isku raacay in ay qeyb ka mid ah mushaarkooda ku taageeraan Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka adag kula jira AS iyo D~C.
Kadib dood ay mudanayaashu ka yeesheen arrintan , Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in guddi loo saarayo soo jeedinta qaar ka mid ah xildhibaannada ee taageerada Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.
Arintaan ayaa kusoo aadeeyso xili uu dagaal culus maalmihii u danbeeyay aay ka socdeen Maamul goboleedka Hirshabeele, dagaaladaas ayaan doorka ugu mihiimsan waxa ku lahaa ciidamada loo yaqaano macawiisleeyd.
Baarlamaanka ayaana arintaan ku tilmaamay dhiiragalin aay usameeynayaan macawiisleeyda iyo Ciidanka Dowladda ee dagaalka adag kula jiro kooxda AS.