Jabuuti oo weerar ku qaaday Imaaraadka Carabta ka digatay qorshe…….

0
52

Sabti 24, May 2025 {HMC} Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil
Cumar Geelle, ayaa si adag u dhaleeceeyay Imaaraadka Carabta,
isaga oo ku eedeeyay dowladda Khaliijka inay u adeegsanayso
maalgelinteeda balaayiinta doollar ah ee Afrika si ay ugu daboolato
qorshayaasheeda ballaarinta awoodda militari.

Wareysi uu dhawaan siiyay idaacadda Radio France International
ayuu Madaxweyne Geelle ku sheegay in maalgashiga Imaaraadka ee
Afrika, oo gaaraya $110 bilyan, uu yahay qorshe istaraatiiji ah oo
lagu fidinayo awoodda militari, balse loo ekeysiinayo mashaariic
horumarineed oo dhaqaale.

“Imaaraadku waa mid si weyn u wiiqaya xasilloonida gobolka,” ayuu
yiri Madaxweyne Geelle.

Hadalka Madaxweyne Geelle ayaa muujinaya walaaca sii kordhaya ee
ka jira qaar kamid ah wadamada Afrika, kuwaas oo ka shakisan
ujeedada dhabta ah ee maalgashiga shisheeye, gaar ahaan kan lagu
sameynayo kaabayaasha muhiimka ah sida dekedaha, saadka iyo
isgaarsiinta.

“Maalgelintan ma aha mashruucyo dhaqaale oo keliya,” ayuu yiri
Madaxweyne Geelle, isagoo raaciyay, “waxaa si toos ah ugu xiran
ujeedooyin militari oo khatar gelin kara madax-bannaanida iyo
xasilloonida wadamada Afrika.”

Madaxweynuhu wuxuu shaaca ka qaaday in Jabuuti ay horey u
diidday codsi uga yimid Imaaraadka oo ku saabsanaa in saldhig
militari laga sameeyo gudaha Jabuuti.

Wuxuu sheegay in Imaaraadku kadib diidmadaasi ay dadaalkooda u
weeciyeen wadamada deriska ah, iyagoo raadinaya meelo muhiim ah
oo istiraatiiji ah oo ku yaalla marinada muhiimka ah ee badda.
Jabuuti, oo ku taalla marinka laga soo galo Badda Cas, ayaa
martigelisa saldhigyo militari oo ay leeyihiin dalal badan sida
Mareykanka, Faransiiska, Shiinaha iyo Japan.

Maamulka Madaxweyne Geelle ayaa muddo dheer siyaasaddiisa ku
dhisay isku dheellitirka xiriirka militari ee wadamada shisheeye,
waxaana hadalladiisa laga dheehan karaa walaaca sii kordhaya ee ku
saabsan tartanka gobolka, gaar ahaan marka horumarka dhaqaalaha
lagu dhex milo ujeedooyinka difaaca.

“Isku milanka maalgashiga dhaqaale iyo ujeedooyinka militari ee
wadamada shisheeye waa khatar weyn oo ku soo wajahan nabadda
gobolka,” ayuu ka digay Madaxweyne Geelle.

“Waxaan u baahan nahay inaan si taxadar leh u wajahnno iskaashiga
noocan ah, si aan loo dhaawicin madax-bannaanideenna.”

Imaaraadka Carabta wali kama uusan jawaabin eedeymaha
Madaxweynaha Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta
Imaaraadka ayaa hore u sheegay in maalgashiyadooda Afrika ay
ujeedadoodu tahay taageeridda kobaca dhaqaalaha iyo xoojinta
amniga gobolka.

Hadalka Madaxweyne Geelle ayaa kusoo beegmaya xilli ay kordheen
walaaca iyo baaritaanada ku saabsan fara-gelinta wadamada
Khaliijka ee Afrika, halkaas oo ballanqaadyada dhaqaale badanaa lala socodsiiyo heshiisyo dhanka kaabayaasha istiraatiijiga ah iyo iskaashi militari ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here