Puntland Oo Manta qaadeeyso Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare.

0
17

Sabti 24, May 2025 {HMC} Ku dhowaad 23,700 arday oo dhigta dugsiyada sare ee Puntland ayaa maanta oo sabti ah u fadhiisanaya imtixaanka shahaadiga ah, kaasoo si isku mid ah uga dhici doona 150 xarumood oo ku yaalla 30 degmo oo ka tirsan maamulkaasi.

Imtixaankan oo ay mid lamid ah qaadeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka Puntland in ka badan 20 sano si madax-bannaan uga qaadaya ardayda shahaadiga ah ee dugsiga sare.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegtay in ay u diyaar-garowday sugidda amniga, hubinta hufnaanta imtixaanka iyo sidii ardaydu si xor iyo xasilooni leh ugu galilahaayeen imtixaanka.

Imtixaanka sanadkan ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay sheegtay in ay ku howlan tahay tayada waxbarashada iyo kobcinta fursadaha ay helaan ardayda dhammaysata dugsiyada sare ee deegaannada maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here