Axad 25, May 2025 {HMC}– Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay deegaanka Galcad oo hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhaxeeyey ciidamada deegaanka iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda AS.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada deegaanka ay heleen xog sheegaysa in kooxda Al-Shabaab ay afduub u geysteen saddex ruux oo ka tirsanaa dadka deegaanka, Ciidamada ayaa si deg deg ah uga jawaabay dhacdada, waxayna howlgal qorsheysan ku beegsadeen goobtii lagu hayay dadkii la afduubtay.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ciidamada deegaanka ay ku guuleysteen inay dib u soo furtaan dadkii ay kooxda afduubatay, iyadoo la xaqiijiyay in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay.
Horjoogayaasha ciidamada deegaanka oo la hadlay Warbaahinta Hiiraanweyn ayaa sheegay in ay weli ku raad-joogaan xubnihii kooxda AS ee falka afduubka geystay, islamarkaana ay heleen xog muhiim ah oo muujineysa halkii ay kasoo duuleen kooxdaasi.
Ciidamada deegaanka ayaa ballanqaaday in ay sii laba jibaarayaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga deegaannada hoostaga Halgan, si looga hortago weerarada aay kooxda AS geeysanayaan.