Axad 25 May 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi Saraakiil ah oo uu hogaaminayo ayaa gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan,
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye iyo saraakiil ciidan ayaa Taliyaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyey Degmada Moqokori.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Generaal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Hiiraan u tegay dardargelinta dagaalka Al-shabaab ee ka socda soohdinta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay dagaal adag oo ka dhan ah ururka Al-shabaab ka waday xuduudka goboladda Hiiraan iyo Shabeeladadhexe.