Maamulka Jubbaland oo Digniino adag kasoo saaray Xaalada……….

0
20

Axad 25, May 2025 {HMC}– Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed
ee Jubaland ayaa soo saartay digniin culus oo la xiriirta dabeylo laga
cabsi qabto inay ku dhuftaan xeebaha maamulkaasi, iyada oo
shacabka lala wadaagtay farriin toos ah iyo tallaabooyin ay tahay in
la raaco.

Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada Jubaland ayaa
sheegay in dabeylahaasi ay noqon karaan kuwo sababa khasaare
hantiyeed iyo mid nafeed haddii aan laga taxadarin.

Sidoo kale wasaaradda ayaa tilmaamtay in dabeylaha ay la socdaan
roobab xooggan iyo hirar dhaadheer oo saameyn kara magaalooyinka
Kismaayo, Badhaadhe iyo dhammaan deegaanada xeeran xeebaha
maamulkaasi.

Jubaland ayaa ugu baaqday kalluumeysatada iyo dadka ku safra
badda inay muujiyaan feejignan dheeri ah, si aysan waxyeelo uga
soo gaarin dabelyaha socda.

Waxa kale oo farriintan la gaarsiiyay dadka ku nool deegaannada
dhaca dhulka xeebaha, iyada oo maamullada deegaannadaas la faray
inay diyaariyaan gurmadyo deg-deg ah.

Digniintan mid lamid ah ayaa waxa shalay soo saaray dowladda
federaalka Soomaaliya oo kalluumeysatada iyo shacabka
Soomaaliyeed ee degan dhulka xeebaha ah u digtay, taasi oo ku
saabsan bad-xireenka la galay

“Wasaaradda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS,
waxay si rasmi ah ugu wargalineysaa dhammaan kalluumeysatada
iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed in lagu jiro xilli badda ay
si weyn u kacsan tahay, taasoo keeni karta xaalado khatar ah oo halis gelin kara badbaadada doomaha iyo dadka ku sugan badda,”
ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda kalluumeysiga iyo
dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo lasii raaciyay ““Inta lagu jiro xilligan kacsanaanta
badda, waxaa dhici karta khatar badan, shilalka badda iyo
waxyeelada soo gaarta doomaha iyo kalluumeysatada”.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay xeebta
Liido ee magaalada Muqdisho ay qaaday ugu yaraan sagaal carruur
ah, kuwaas oo u damaashaad tegay, carruurtaas ayey baddu qaaday
xilli ay caadi u dabaalanayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here