Axad 26-May-2025 {HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Gudiga qaban qaabada maalmaha xorriyadda Qaranka ee sanad guurada 65-aad ee 26-da Juun iyo 1-da Luulyo.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu magacaabay Guddiga oo ka kooban 10 xubnood ayaa ka tirsan Xukumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, iyadoo guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh.
Guddigaan ayaa waajibaadkooda yahay diyaarinta munaasabadaha, si gaar ah amniga iyo abaabulka dadka ka qeyb galaya Xafladaha.
Waxaa la filayaa in ay yeeshaan kulamo looga hadlayo sidii ay u qeybsan lahaayeen howlaha shaqo.