Maxeey Yihiin Kulumada uu James Swan Muqdisho ka Wado?

0
21

Isniin 26-May 2025 {HMC}  Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa magaalada Muqdisho ka billaabay kulamo uu la yeelanaya qaar ka mid ah mucaaradka, kuwaas oo caasimadda soo gaaray todobaadkii hore.

Swan ayaa Muqdisho kula kulmay Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre iyo Cumara Cabdirashiid Cali Sharmaake, isaga oo kala hadlay xaaladda Siyaasadeed ee dalka, iyo sidii qeyb looga noqon lahaa wadahallo dhex mara madaxda dowladda iyo mucaaradka.

Kulanka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa diiradda waxaa lagu saaray, “marxaladaha siyaasadeed ee hadda ka socda Soomaaliya iyo fursadaha wadahadalka loo dhan yahay,” sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay UNTMIS.

Sidoo kale kulanka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo James Swan ayaa looga hadlay, “Is baddalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo fursadaha wadahadal loo dhan yahay.”

Kulamada Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ee uu la yeelanaya madaxdii hore ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay qeyb ka yihiin kulamo joogto ah uu la yeelanaya qeybaha kala duwan ee madaxda Soomaaliya iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya.

Todobaadkii hore waxaa Muqdisho soo gaaray qaar ka mid ah mucaaradka dowladda oo ay horreeyaan Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre iyo Cumara Cabdirashiid Cali Sharmaake, waxaana maanta la filayaa in uu dalka dib ugu soo laabto Maxamed Xuseen Rooble.

Imaanshiyaha mucaaradka Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay ka shaqaynayso qabashada gogol ay isugu imaanayaan madaxda dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo la sheegay in ay ka wada arinsanayaan xaaladda dalka sida; dagaalka Al-Shabaab iyo doorashada oo ah qodobka ugu weyn ee miiska saaran xilligaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here