Maamulka gobolka Hiiraan oo eedeyn u jeediyay Hay’adda Aqoonsiga Diiwaan galinta Soomaaliya ee NIRA.

0
45

Sabti 31 May 2025{HMC} Maamulka gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabelle ayaa digniin adag u diray hay’adda aqoonsiga diiwaan galinta Qaranka ee NIRA oo ay sheegeen iney ku howlan yihiin isku dayo wax u dhimaya xasiloonida gobolka Hiiraan.

Warsaxafadeed kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay in NIRA ay si cad ugu kacday talaabooyin sharci daro ah oo baal marsan nidaamka dowladnimo.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay hay’adda NIRA iney ka wado gobolka Hiiraan qorshe la xariira iska hor keenista dadka reer Hiiraan, waxaana Warsaxafadeedka lagu xusay in hay’adda aqoonsiga diiwaan galinta Qaranka ee NIRA qaadan doonto masuuliyada wixii ka dhasha isku dayada sharciga baal marsan.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney ilaalinayaan masuuliyada ka saaran bulshada ku nool gobolka Hiiraan, islamarkaana ay soo dhaweeynayaan tilaabo kasto oo si sharci ah loogu qaadayo dhanka hormarinta iyo daadajinta adeegga dowladnimada.

Eedeynta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here