Putland oo gacanta ku dhigay taliskii ugu weynaa ee kooxda Daacish.

0
11

Sabti 31 May 2025{HMC} Maamulka Putland ayaa xaqiijisay mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa ee ay ka soo hoyso dagaalka ay kula jirto kooxda Daac1sh ee muddooyinkii la soo dhaafay ka socday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Ciidanka Putland ayaa gacanta ku dhigay taliskii ugu weynaa ee Miraale oo ahayd halkii saldhiga u ahayd kooxda Daac1sh kaas oo ay deegaan ku ahaayeen tan iyo 2015-kii.

Waxa xusid mudan in aanay Deegaanada Putland ku sugnayn ciiddamo ka socda waddamo shisheeye oo ka garab siinaya Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here