Xasan Shiikh oo shaaciyay xilliga ay furmeyso gogosha Wadatashiga

0
5

Axad, 01, June 2025{HMC}  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuu ayaa casuumaad u diray siyaasiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada daneynaysa in ay ka qeyb galaan Gogosha uu hore u cillaamiyay.

Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha wuxuu ku sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu watashiyo la yeeshay qaar ka tirsan madaxdii hore ee dalka, madaxda dowlad gobaleedyada, ururuda siyaasadda, iyo bulshada rayidka.

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada taas oo ka furmi doonta Magaalada Muqdisho 15ka Juun 2025.

“Waxaa laga codsanayaa siyaasiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay u diyaar garoobaan shirkaas muhiimka u ah dawladnimadeena ayna soo ajiibaan casuumadda rasmiga ah ee Madaxweynaha.” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Madaxtooyadda.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in gogosha arrimaheeda farsmo ay ka shaqeyn doonaan guddi gaar ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macalin Maxamuud oo ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u saartay fududaynta gogosha iyo shirarka ka horeeyaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here