Isniin 2, June 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Dalka Britain ayaa sheegay in dib u eegis weyn oo dhanka difaaca ah oo maanta la daabacay ay u dhaqaajin doonto ciidamada qalabka sida ee UK “diyaar garowga dagaalka” si ay uga hortagaan khataraha sii kordhaya ee xilligan aan xasilloonayn.
Isagoo ka hadlayay Scotland, Keir Starmer wuxuu xaqiijiyay in dowladdu ay dhisi doonto ilaa laba iyo toban markab oo cusub oo kuwa dagaalka ah, ayna sidoo kale ku bixin doonto in ka badan labaatan bilyan oo doolar casriyeynta madaxyada nukliyeerka ee Britain, soo saarista gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Waxa uu sheegay in siyaasadda difaaca ee Britain ay mar walba ahaan doonto mid la jaan qaadeyso gaashaanbuurta “NATO ” — oo aysan waligood keligood dagaalami doonin. Waxa uu sidoo kale raysal wasaaraha sheegay inay ka go’an inay kordhiso kharashka difaaca oo ay gaarsiiso laba dhibic shan boqolkiiba marka la gaaro sanadda 2027.