Isniin, 02, June 2025{HMC} Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay duqeyn cirka ah la beegsadeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Daacish.
Duqeyntan ayaa ka dhacday goob 75 km Koonfurta kaga beegan magaalada Boosaaso ee Puntland, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubnaha Daacish.
Mareykanka wuxuu sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Duqeymaha oo aad u xooggana.
“AFRICOM ayaa oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka, waxay sii wadi doonta howlgallada lagu wiiqayo awoodda Daacish si loo yareeyo khatartooda” ayaa lagu yiri Bayaanka AFRICOM.
Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya, waxaana sananka oo kaliya AS iyo Daacish lala beegsaday in ka badan 25 duqeyn.