Mucaaradka oo Shuruudo Adag ku xiray gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan.

0
30

Isniin, 02, June 2025{HMC} Madasha Samata-bixinta mucaaradka ay ku mideysan yihiin musharaxiin Madaxweyne oo mucaarad ah, ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxa ay kusoo dhaweeyeen gogosha siyaasadeed uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mucaaradka waxa ay soo bandhigeen saddex shardi oo muhiim ah, iyaga oo dalbaday in la caddeeyo ajandaha iyo qodobada looga hadlayo gogosha, in gogosha noqotaa mid xal waara looga gaaro khilaafka siyaasadeed iyo in gogosha noqoto mid laga wada qeyb galo mucaarad iyo muxaafid.

War-saxaafadeed ay soo saareen Madasha Samata-bixinta mucaaradka, ayaa lagu sheegay in ay u taagan yihiin diyaarna u yihiin samata-bixinta dalka iyo dowlanimada Soomaaliya, sidoo kale diyaar u yihiin wadahadal dhab ah oo horseedi kara midnimo Qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here