Shir looga Hadlayay Maareynta Hubka iyo Ka Hor Taga Qaraxa oo Muqdisho Ka Furmay.

0
31

isniin 02 -Jun-2025 {HMC}  Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta shir soconaya muddo labo cisho ah oo looga hadlayo Maareynta hubka, Rasaasta iyo Ka Hortagga Qaraxyada Macmalka ah ku qabtay magalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay Hay’adda ammaanka heer Federaal iyo kuwa mamuladda Dalka ka jira, sidoo kale shirka waxaa qayb ka ah Hay’addaha caalamiga ah ee dhanka ammaanka iyo kahor tagga hubka iyo rasaasta sharci darradda ah ka taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya.

La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xuseen Macallin Maxamuud oo shirka ka hadlay ayaa tilmaamay sida ay muhiim u tahay in Dowladda Federaalka iyo mamuladda Dalka uga wada shaqeyn lahaayeen dajinta qorshaha Stratejiyada 2025-2030, sidoo kale Xuseen Macallin ayaa sheegay iney wax badan u qabsoomeen sannadkii hore kuwaasoo salka ku haya ka hor tagista hubka iyo rasaasta sharci darrada ah iyo bur burinta Qaraxyada macmalka ah.

Wasiir ku xigeenka Amniga gudaha Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin oo ka mid ah masuuliyiinta ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin shaqada baaxada leh ee xafiiska Amniga Qaranka iyo laamaha ammaanka ah ka wada shaqaynayaan, wuxuuna muujiyey sida ay ahmiyad ugu lee dahay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mamuladda dalka wada-jir uga shaqeeyaan shaqooyinka hor-tabinta u leh ka sal gaarista war-bixinadda lagu soo gudbiyo shirkan.

Wasiirka Difaaca Dowladda Federaalka Soomaaliya Amb.Axmed Macalin Fiqi oo shirka furay ayaa boggaadiyey shaqada Qaran ee uu hayo Xafiiska Amniga Qaranka, wuxuuna khudbadiisa ku dul istaagay sida ay muhiim ugu tahay in la xoojiyo ka shaqaynta sidii looga hortegi lahaa hubka iyo rasaasta sharci daradda ah iyo Qaraxyadda la farsameeyo.

‘’Anigoo ku hadlaya magaca wasaaradda Gaashaandhiga,waxaan boggaadinayaa annagoo kaashanayna saaxiibada caalamka, in xog aruurinta hubka ay hadda noqotey mid si buuxda loo danabeeyay, maanta hub walba oo la bixiyo waa la diiwaan galiyaa, xabad kasta oo la dhiibo waxay lee dahay raad-raac muuqda’’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here