Gudoomiye Muungaab Oo lagu soo dhaweeyay xarunta Dowladda Hoose.

0
17

Talaado 3, June 2025 {HMC} Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr Xasan Maxamed Xuseen ayaa lagu soo dhaweeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Mungaab ayaa kulan la qaatay Duqii hore ee Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, isaga oo ka dhageystay warbixin la xiriirta howlaha Maamulka gobolka Banaadir.

Duqa cusub ayaa inta uu ku sugnaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxa uu booqday Xafiisyada Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarumaha Agaasinka Caafimaadka, Dad-dhigista, Gaadiidka iyo Gurmadka Deg-degga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here