Haweeney loo xiray dahab ay ka furatay mayd la aasi rabay.

0
61

Talaado 3, June 2025 {HMC} Markii qoys murugoonaya ay arkeen qof aanay garanayn oo baroordiiqaya oo ugu yimid qubuuraha maydka lagu aasayay ee waqooyiga waddanka Faransiiska halkaas oo qaraabada ay ku sii sagootinayeen maydka, ayaanay jirin cid wax kale ka fakartayba.

Haweeneyda oo ku jirta da’da lixdameeyada ayaa la sheegay inay saaxiibbo ahaayeen qofka dhintay, marka waxaa loogaga tagay inay kaligeed maydka u ducayso xilli naxashkana uu furnaa – ama waa sida ay u maleeyeenee.

Markii ay xilli dambe soo laabteen, waxa ay arkeen maydkii oo dahabkii laga furtay, kuwii ugu xirnaa qoorta, jijimihii iyo dhegihiiba la waa meesha ay galeen, waxaa sidaasi ku warramay warbaahinta Faransiiska.

Qoyska ayaa markiiba dacwadda gaarsiiyay booliska, kuwaas oo baaray arrinta waxyar kaddibna waxa ay aqoonsadeen qofka laga sakhisanyahay; oo noqotay haweenay ku noolayd meel aanan sidaasi uga fogayn qubuuraha maydka lagu aasayay, ee magaalada LiĆ©vin. Haweeyneydii ayey xireen waxa ayna ka heleen dahabkii la la’aa.

Hasayeeshee xaaladdu halkaas kuma aanay dhammaan. Waxaa waxyar kaddib u suuragashay inay la xiriiriyaan boorso laga xaday maydka nin isla goobta dadka lagu aaso yaallay, arooryadii hore ee isla maalintaas, waa Talaadadii bisha Agoosto ay aheyd 24-ka.

Markii la baaray guriga qofka laga shakisan yahay booliska ayaa sidoo kale waxa ay soo heleen xirmooyin warqadaha dadka lagu ogaysiiyo inuu qof dhintay. Kuwaas oo ay ku jiraan xogta meelaha laga heli karo numbarka gaarka ah ee qoysaska ay ku gali karaan qolalka, halkaas oo la dhigo naxashyada ay ku jiraan maydadka.

Haweeneyda ayaa waxaa maxkamad la soo taagi doonaa sanadka soo socda ee 2022.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here