Arbaco 04, June 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daahfurtay nidaam casri ah oo la isku weydaarsanayo xogta duulimaadyada iyo rakaabka, iyadoo kaashaneysa Mareykanka iyo hay’adda Interpol, si loo xoojiyo amniga xuduudaha loona horumariyo baarista dadka soo galaya dalka, qaybna ka ah dadaallada dib-u-habeynta hay’adaha dowladda.
Nidaamkan oo ay shaacisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA), ayaa u oggolaanaya dowladda Soomaaliya in ay si toos ah ula wadaagto xogta rakaabka iyo safarrada la xiriira hay’adaha caalamiga ah ee amniga.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in barnaamijkani uu gacan ka geysan doono in la aqoonsado shakhsiyaadka lala xiriirinayo argagixisada, tahriibinta dadka, iyo dambiyada kale ee caalamiga ah ee isgoyska ah.
“Barxaddan waa tallaabo weyn oo lagu hormarinayo nidaamyada maaraynta xuduudaha Soomaaliya si ay ula jaanqaadaan heerarka caalamiga ah ee amniga duulista,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay ICA.
Nidaamkan cusub ayaa Soomaaliya ku xira shabakadda isgaarsiineed ee Interpol ee I-24/7, taasoo ah nidaam sugan oo ay isticmaalaan 195 dowladood si ay isugu gudbiyaan xogaha dambiyada. Sidoo kale, waxa uu waafaqsan yahay qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigoodu yahay 2178 iyo 2396, kuwaas oo faraya in la adkeeyo baarista dadka safarka ah si loo xakameeyo socodka dagaalyahanada ajnabiga ah.
Khubarada amniga ayaa tallaabadan ku sifeeyey mid muhiim ah, iyagoo xusay in ay si weyn u taageerayso dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo shabakadaha dambiyada abaabulan ee ka shaqeeya xuduudaha.
Kooxda Al-Shabaab ayaa mas’uul ka ahayd weerarkii 2016 ee lagu bartilmaameedsaday diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda Daallo Airlines, kaddib markii nin isa soo miidaamiyey uu bam la koray diyaaraddii duulimaadka159 ee ka kacday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Qaraxa ayaa dalooliyey qeyb ka mid ah diyaaradda, wuxuuna sababay dhimashada weeraryahankii, iyadoo diyaaraddii si degdeg ah loogu khasbay inay ku degto xaalad degdeg ah. Rakaabkii kale iyo shaqaalihii diyaaradda way badbaadeen.
Baaritaanno dambe ayaa muujiyey in qaraxa lagu dhex geliyey diyaaradda iyadoo la adeegsanayo shaqaale ka tirsan garoonka, taasoo banaanka keentay nuglaanta nidaamka amniga duulista ee dalka.
Tan iyo dhacdadaas, Soomaaliya waxay maalgelin xooggan ku sameysay casriyeynta garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, oo ay ka mid yihiin dhismaha terminal cusub iyo aasaaska machad tababar duulimaad ah.
Nidaamka cusub ee xog is-weydaarsiga ayaa la jaanqaadaya horumarradaasi dhanka kaabeyaasha, wuxuuna gacan ka geysanayaa dadaallada dowladda ee ku aaddan in si buuxda dib loogu soo celiyo xukunka hawada Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, caqabado ayaa weli jira. Hay’adda Duulista Rayidka ee Mareykanka (FAA) ayaa wali mamnuucda duulimaadyada rayidka ah ee ka hooseeya 26,000 feet ee hawada Soomaaliya, iyada oo ku sababeeysay khataraha ka iman kara hubka lidka diyaaradaha ee suuragalka ah inuu gacanta ugu jiro Al-Shabaab.
Bishii Janaayo 2024, dagaalyahanno ayaa weeraray diyaarad qumaatiga u kacda oo ay leedahay Qaramada Midoobay, taasoo ka dhacday bartamaha Soomaaliya, waxaana lagu dilay hal qof halka kuwo kalena la afduubtay — dhacdo muujisay qatarta weli hortaagan duulimaadyada rayidka ah ee dalka.
Nidaamkan xog-is-weydaarsiga ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhisidda hay’adaha amniga, iyo sidii ay si buuxda gacanta ugu hayn lahayd sugidda amniga qaranka kaddib tobannaan sano oo burbur iyo kala daadsanaan ah.
Inkastoo Mareykanka uu weli yahay xulafo muhiim ah oo dhanka amniga ah, haddana hoos u dhaca deeqaha uu bixiyo ayaa saameyn ku yeeshay barnaamijyo muhiim ah. Dalal sida Turkiga ayaa kaalmo ka bixinaya meeshii Mareykanku ka baxay, iyagoo taageeraya dhismaha garoomada iyo tababarka ciidamada amniga Soomaaliya.
Mas’uuliyiintu waxay rajo ka qabaan in nidaamkan cusub uu sare u qaadi doono sumcadda Soomaaliya ee bulshada caalamka, isla markaana uu xoojin doono codsigeeda ah in laga qaado xayiraadaha hawadeeda.