Muxuu salka ku hayaa Khilaaf ka dhex qarxay Madaxweyne Trump iyo Elon Musk?

0
19

Arbaco 04, June 2025 {HMC} Elon Musk ayaa cambaareeyay saxeexa madaxweyne Trump ee nidaamka cashuuraha oo u uku tilmaamay in uu yahay wax laga yaqyaqsado.

Aqalka Wakiillada bishii hore ayaa waxaa ansixiyay miisaaniyadda cashuur goynta oo gaadhaysa trillion Doollar iyo kharashaad badan oo ku baxaya difaaca yo weliba nidaamyo dawladda Maraykanka u oggolaanaya in ay amaahato lacago badan.

“Ceeb baa u sugnaatay kuwii u codeeyay,” ayaa Musk uu ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa X isaga oo ka hadlaya nidaamka ajandaha madaxweynaha marka labaad soo laabtay ee Trump.

Maalqabeenkan Maraykanka ah ayaa si lama filaan ah uga tagay maamulka todobaadkii hore kaddib markii 129 maalmood uu ka shaqaynayay siu u u dhimo kharashaadka kooxdiisa, oo loo yaqaan Doge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here