Arbaco 04, June 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta soo gabagabaynaya safar labo maalin qaatay oo uu ku joogay Dalka Jabuuti.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu booqahadiisa rasmiga ah ku guda jiray waxaa uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo ka wada hadlay arrimaha Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha, xaaladda gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada wadan.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare, ayaa kormeer ku tagey goobo kala duwan oo kamid tahay magaalada Carta, gaar ahaan halkii lagu qabtay shirkii sanadii 2000 ee lagu soo dhisay jamhuuriyadda sadexaad ee Soomaaliya.
Goobtan uu Ra’iisul Wasaaruhu booqday ayaa waxaa ku yaalla madxaf weyn oo ay ku keydsan yihiin dhammaan taariikhdii uu lahaa shirku iyo marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa inuu u gudbo dalka Masar halkaas oo uu maalmaha ciidda qoyskiisa kula qaadan doono.
Mustaqbal