Arbaco 04, June 2025 {HMC} Turkiga ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaarado dagaal oo nooca qumaatiga u kaca ah, iyadoo la fulinayo heshiiska difaaca ee labada dal kala saxiixdeen bishii Febraayo 2024.
Saddex ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Turkiga keenay ayaa nuucooda yahay T129 ATAK kuwaas oo si gaar ah loogu talagalay howlgallada militari ee culus.
Sidoo kale, Turkigu wuxuu Soomaaliya siiyay diyaarado dheeraad ah iyo taageero tababar oo la xiriirta ciidamada badda, taasoo qeyb ka ah ballan-qaadka Ankara ee ku aaddan dhismaha awood ciidan oo rasmi ah oo Soomaaliyeed.
Toddobaadkan ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho laga soo dajiyay qalab Militeri oo ay siday diyaarad weyn oo leedahay dowladda Qatari ah.
Turkigu wuxuu hore u tababaray duuliyayaal Soomaali ah oo hadda dhameystay tababarkoodii, kuwaas oo diyaar u ah inay kaxeeyaan diyaaradaha ATAK.
Sidoo kale, in ka badan 500 askari oo Turki ah ayaa dhawaan lagu keenay Muqdisho si ay u ilaaliyaan saldhigga weyn ee milatariga Turkiga ee Turksom, una fuliyaan hawlgallo ay ka mid yihiin ilaalinta dekedaha iyo kormeerka adeegsiga Diyaaradaha aan qumaatiga u kaca.
Tillaabooyinka ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan khadka Taleefanka ay kuwada hadleen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Turkiga, iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal ee dhinaca Amniga iyo siyaasadda.