Wararkii ugu dambeeyay dagaalo Culus oo maanta ka dhacay Deegaanka Ceel Hareeri ee Gobolka Hiiraan.

0
49

Arbaco, 4 Juun 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo qaraar oo maanta ku dhexmaray deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid markii hore ku bilawday weerar qaraxyo ah oo ay kooxdu ku qaaday fariisin ciidanka Macawiisleeyda ku leeyihiin deegaanka Ceel hareeri ayaa waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo mudo laba jeer ah la isku noqday.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka maanta jab xoogan ku gaarsiiyeen xubnaha Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday Ceel hareeri.

Wuxuu sidoo kale sheegay sarkaalkaan in dagaalka maanta ay Al-shabaab uga dileen 21 xubnood oo meydadkooda wali yaalaan gudaha deegaanka, islamarkaana dhankooda uu xusay iney ka dhinteen laba askari.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here