Jimco 06, June 2025 {HMC} Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyay in Israa’iil ay hub siinayso beelo ku sugan Qasa kuwaas oo uu sheegay inay kasoo horjeedaan Xamaas.
Hadalka Netanyahu ayaa yimid kaddib markii warbaahinta Israa’iil ay soo xigatay ilo dhinaca difaaca ah oo sheegayay in Netanyahu uu oggolaaday in hub la siiyo koox gaar ah oo ku sugan koonfurta Qasa.
Siyaasiyiin Israa’iiliyiin ah oo dhowr ah ayaa ku eedeeyay Netanyahu inuu khatar gelinayo ammaanka Israa’iil.
“Maxaa ka khaldan arrintan?” ayuu yiri Netanyahu muuqaal kooban oo uu soo dhigay bartiisa X. Wuxuuna sii raaciyay: “Kaliya waxay badbaadineysaa nolosha askarta Israa’iil”, isagoo intaa ku daray – “Faafinta arrintani waxay kaliya caawineysaa Xamaas.”
Waxa uu raysal wasaaraha Israa’iil warkiisu daba socdaa warbixinno sheegaya in Israa’iil, isaga oggolaanshihiisa, ay hub siineyso beel ku sugan Qasa oo uu hoggaamiyo nin lagu magacaabo Yasser Abu Shabab.
Kooxdan, oo ay qaar u arkaan inay tahay maleeshiyo ama koox dambiilayaal ah, ayaa isu soo bandhigtay inay tahay xoog mucaarad ku ah Xamaas.
Waxay sheegtay in ujeedkeedu yahay inay ilaaliyaan gaadiidka gargaar sida ee galaaya Qasa, balse dadka dhaliila waxay leeyihiin waxay sameyneysaa wax arrintaa ka soo horjeeda oo ah in ay dhac iyo bililiqo ku heyso gargaar kasta oo Qasa gala.
Arrinta kooxdaan ku saabsan ayaa laga yaabaa in Benjamin Netanyahu uu iska indhatiro, balse waxay yeellan kartaa suurtagalnimo ah in ay uu wajaho fadeexado siyaasadeed oo culus.
Ilo amni oo Israa’iili ah ayaa horey ugu xaqiijiyay warbaahinta maxalliga ah in eedeymaha uu soo jeediyay siyaasiga mucaaradka ah Avigdor Lieberman ay sax yihiin.
Lieberman, oo ah madaxa xisbiga Yisrael Beiteinu, ayaa u sheegay telefishinka dadweynaha ee Kan in Netanyahu uu kaligiis oggolaaday in hub loo wareejiyo beesha ninka la yiraahdo Abu Shabab.
“Dowladda Israa’iil waxay hub siinaysaa koox dambiilayaal ah oo la xiriirta kooxda Daacish,” ayuu yiri Lieberman.
“Intii aan ogahay, tani ma aysan marin ansixinta golaha wasiirrada,” ayuu raaciyay.
Ilo amni ayaa markaas kadib u xaqiijiyay in Israa’iil ay hub siisay beesha Abu Shabab.
Beeshan ayaa ka howlgasha Rafah, meel hoos timaadda gacanta milateriga Israa’iil.
Si kastaba, Yasser Abu Shabab ayaa si cad ugu beeniyay baraha bulshada in Israa’iil ay hub siisay kooxdiisa.
“Hubkayagu waa mid fudud, duug ah, waxaana helnay annaga oo taageero ka helayna dadkayaga,” ayuu yiri.
Ilo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyada Abu Shabab ay noqdeen arrin dhibaato ah, oo warbixino la bahaiyay ayaa sheegay in garabka hubeysan ee Xamaas uu bilaabay dilal qorsheysan oo lala beegsanayo xubnaha beeshaas.
Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay “ku howlan tahay inay Xamaas ku jebiso siyaabo kala duwan oo ku saleysan talooyinka madaxda hey’adaha amniga.”
Dhaleeceyn xooggan ayaa kasoo yeertay Yair Golan, hoggaamiyaha xisbiga Dimoqraadiga ee Knesset-ka.
Qoraal uu ku daabacay baraha bulshada sida X ayuu ku yiri: “Netanyahu wuxuu khatar ku ah amniga qaranka Israa’iil. Halkii uu ka keenilahaa heshiis… oo uu kusoo celin lahaa la haystayaasha isla markaana uu u keenilahaa amni muwaadiniinta Israa’iil, wuxuu ka abuurayaa Qasa mushkilad cusub oo mar kasta qarxi karta.”