Jimco 06, June 2025 {HMC} Magaalada Jigjiga ee xarunta u ah dawladda Deegaanka Soomaalida ayaa ka mid ah magaalooyinka Soomaalida ee sida weyn loo muujiyay munaasibadda ciidda.
Dadweyne tiro badan iyo masuuliyiinta deegaanka ayaa salaadda ciidda ku oogay garoonka kubadda cagta ee magaaladaasi. Dadka ka qaybgalay waxa ka mid ahaa madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar oo dadweynaha ugu hambalyeeyay munaasibadda ciidda.
Qaar ka mid shacabka magaalada Jigjiga oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidda sannadkan ay ku soo beegantay xilli dib-u-habayn lagu sameeyay waddooyinka magaalada Jigjiga.