Sabti 07, June 2025 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka hadlay qorshahiisa la xiriira helida Maqaalka magaalada Muqdisho.
Duqa cusub ayaa sheegay in sida kaliya ee xaqaasi lagu heli karo tahay in loo dareero isdiiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka qofka iyo codka.
Wuxuu sheegay in tillaabadaasi sababi karto in bulshada soo doortaan hoggaankooda awoodna u leeyihiin in ay xisaabtamaan.
Sidoo kale, Guddoomiye Mungaab ayaa sheegay in bulshada gobolka looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan Amniga iyo xasiloonida Muqdisho si looga hortago weerarada AS.
Duqa cusub ee Muqdisho ayaa xilka si rasmi ah ula wareegay Arbacadii hore, isaga oo laga sugayo inuu la yimaado isbadalo iyo xaqiijinta himilooyinka bulshada Caasimadda.