Kuuriyada Waqooyi oo la kulantay weerar dhanka internet-ka ah

0
17

Sabti 07, June 2025 {HMC} Dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa la xaqiijiyay in uu la kulmay cilad dhanka internet-ka ah, taasoo saameysay dhammaan wadooyinka xiriirka Internate ee dalkaas, oo ay ugu horeeyaan kuwa ka yimaada Shiinaha iyo Ruushka.

Khubaradu intarneedka waxay sheegayaan in ciladdani u muuqato mid gudaha ah, oo aysan ahayn weerar dhanka intarneedka ah oo dibadda ka yimid.

Websaytyada rasmiga ah ee dalkaas sida wakaaladda wararka KCNA iyo Wasaaradda Arrimaha

Waqooyiga Kuuriya ayaa caan ku ah xakameyn adag oo dhanka internet-ka ah, Dadweynaha waxaa loo oggol yahay kaliya isticmaalka intranet gudaha ah oo la yiraahdo Kwangmyong, halka internet-ka caalamiga ah si aad ah loo xaddido.

Dalkaasi wuxuu horey bartilmaameed uga noqday weerarro internetka oo dibadda ah, sida weerarkii DDoS ee 2022.

Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay danbiyo internet-ka ah, iyadoo burcad internetka ah oo u shaqeysa dowladda la sheegay inay 2024 xadeen lacag ka badan $1.34 bilyan oo ah cryptocurrency ah taasoo loo arko inay qeyb ka tahay dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga cunaqabataynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here