Sabti 07, June 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa si cad ugueedeysay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ku xadgudubka xuquuqdashaqaalaha iyo ka faa’iidaysiga shaqaalaha muhaajiriinta, intii uu socdashirweynaha Caalamiga ah ee Shaqaalaha (ILC) ee ka socda Geneva.
Tallaabadan ayaa Soomaaliya ku biirisay isbahaysi sii ballaaranaya oo ay
hoggaaminayaan dalal iyo ururro shaqaale oo caalami ah, kuwaasoo
dalbanaya in si rasmi ah loo baaro sida Sacuudigu ula dhaqmo shaqaalaha
muhaajiriinta.
Hadallada wafdiga Soomaaliya ayaa noqday dhaleeceyn fagaare ah oo aan
caadi ahayn oo uga timid dal Afrikaan iyo Carab ah xukuumadda Riyadh,
taasoo kor u qaaday olole caalami ah oo lagu doonayo in Sacuudiga lagu
qaado isla xisaabtan ku saabsan eedeymaha xadgudubka, oo ay ka mid
yihiin musuq-maasuq mushahar, shaqo khasab ah, iyo dhibaatooyin loo
geysto shaqaalaha Afrikaanka ah.
Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 36 dal iyo dhowr urur shaqaale oo caalami
ah oo taageeray baaqa lagu dalbanayo in Hay’adda Caalamiga ah ee
Shaqaalaha (ILO) ay sameyso Guddiga Baaritaan—oo ah hannaan baaris oo
ahmiyad sare leh oo hay’addu isticmaasho—si loo baaro xaaladaha shaqo ee
Sacuudiga.
“Shaqaalaha Sacuudiga waxaa loo arkaa kuwo la tuuri karo. Waxay baxaan
iyagoo nool, waxayna ku soo laabtaan naxash,” ayuu yiri Joel Odigie,
Xoghayaha Guud ee ITUC-Africa, oo ka mid ah ururrada gudbiyay
cabashada.
“Afrikaanku waxay u safraan Sacuudiga si ay nolol u helaan, balse waxay ku
soo laabtaan naxashyo,” ayuu yiri Omar Osman, Xoghayaha Guud ee Ururka
Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), kana mid ah saxiixayaasha cabashada.
Dadaalladan ayaa daba socda sannado dhaleeceyn ah oo lagu eedeeyay
nidaamka “kafala” ee Sacuudiga—nidaam kafaala qaadasho ah oo kooxaha
xuquuqda aadanaha ay sheegeen inuu suurtageliyo tacaddiyo baahsan oo
lagula kaco shaqaalaha dakhligoodu hooseeyo, oo badankood ka yimaada
waddamada Afrika iyo Aasiya.
Khilaaf diblomaasiyadeed oo soo fool leh Tallaabada Soomaaliya ee Geneva ayaa keentay walaac laga qabo mustaqbalka heshiis shaqo oo dhawaan ay la saxiixatay Sacuudiga, kaasoo lagu talo galay in uu shaqo u furo kumannaan Soomaali ah oo dooneysa
fursado nololeed oo cusub
Bishii May, Wasiirka Shaqada Soomaaliya, Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa
magaalada Riyadh kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Kheyraadka Aadanaha
iyo Horumarinta Bulshada ee Sacuudiga, Dr. Cabdalla bin Naasir Abuthnain.
Kulankaas oo dhacay intii lagu guda jiray shir caalami ah oo ku saabsanaa
badqabka shaqaalaha ayaa lagu dardargelinayay hirgelinta heshiis labo
geesood ah oo lagu ballanqaaday in shaqooyin loo abuuro dhalinyarada
Soomaaliyeed.
Hase yeeshee, khilaafka diblomaasiyadeed ee cusub ayaa khatar gelinaya
dadaalladaas, iyadoo laga cabsi qabo in uu carqaladeeyo iskaashiga guud ee
labada dal, oo ay ku jiraan barnaamijyo horumarineed oo muhiim ah.
Tan iyo 1977, Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga (SFD) wuxuu maalgeliyay
mashaariic horumarineed oo qiimahooda ka badan yahay $100 milyan,
kuwaasoo lagu taageeray waaxyaha biyaha, waxbarashada, beeraha,
warshadaha iyo macdanta Soomaaliya.
Horraantii sannadkan, SFD waxay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay
Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), si ay u maalgeliso
mashaariic kaabayaasha miyiga ah ee qaaradda Afrika, oo ay Soomaaliya ku
jirto.
Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa ka qeyb
galay munaasabadda saxiixa, taasoo lagu tilmaamay astaan muujinaysa
xiriir sii xoogeysanaya oo u dhexeeya labada dhinac.
Si kastaba ha ahaatee, xiriirkaasi haatan wuu daciifay, iyadoo la rumeysan
yahay in Sacuudigu dib u eegayo barnaamijyadiisa horumarineed iyo
bini’aadantinimo, si uu uga jawaabo mowqifka Soomaaliya ee ka qeybgalka
ololaha Geneva.