{DAAWO SAWIRADA} Gaadiid Dagaal oo Laga qabsaday AS oo La soo Bandhigay.

0
61

Axad 8 May 2025 {HMC} Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha xaq u dirirka ee dadka deegaanka ayaa soo bandhigay sawirrada iyo muuqaallada gaadiidkii Khawaarijta oo geedo korka laga saaray, kadibna ay isaga carareen dhagarqabayaashii watay.

Weerarro toos ah iyo duqeymo maalmihii lasoo dhaafay lagu laayey horjoogayaashii iyo maleeshiyaadkii Khawaarijta ayaa xubnaha firxadka ah dhaxalsiiyey inay isaga cararaan gaadiidka, inta geedo ku qariyaan.

Geesiyaasha isgarabsanaya ee ku jira dagaalka ayaa soohdinta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ugu tegay gaadiidkii ay isaga carareen Khawaarijtu iyo hub badan oo ay isku dayeen in dhulka howdka ah ay ku qariyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here