Dowladda Mareykanka oo taageeray dadaalada Itoobiya ugu jirto Helitaanka Aag Baddeed.

0
29

Sunday 08, June 2025 {HMC} Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Mareykanka uu si buuxda u taageeray dadaalka Itoobiya ee ay ku raadineyso marin badeed iyada oo adeegsaneysa waddooyin nabadeed iyo diblomaasiyadeed.

Ervin Massinga, Safiirka Dalka Mareykanka ee Itoobiya, oo waraysi siiyay wakaaladda wararka Itoobiya (ENA) ayaa sheegay in Washington ay si buuxda u garab taagan tahay hammiga Itoobiya ee deked helid, taasoo uu ku tilmaamay mid muhiim u ah horumarka dhaqaale iyo rajada gobolka ee dalkaasi.

“Dalka sida Itoobiya oo kale ah, oo leh koboc dhaqaale iyo dad badan, marin u helidda ganacsiga badda ma ahan mid kaliya muhiim ah, waa lama huraan,” ayuu yiri Safiir Massinga.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay in Mareykanku uu ka go’an yahay taageeridda Itoobiya iyada oo loo marayo waddooyin ganacsi, diblomaasiyadeed iyo kuwa nabadeed, taasoo muujinaysa sida uu sheegay isku xirka adag ee Mareykanka iyo istaraatiijiyadda Itoobiya ee ku aaddan isdhexgalka gobolka.

Dowladda Itoobiya ayaa si xooggan u raadinaysa in ay marin badeed hesho, gaar ahaan iyadoo ka duulaysa heshiiskii muranka dhaliyay ee ay 2024 la gashay Somaliland, kaasoo dhalisay xiisado cusub oo dhexmaray Soomaaliya iyo Ethiopia.

In kasta oo Safiirku uusan shaacin marin gaar ah oo Itoobiya damacsan tahay, hadalladiisa ayaa kusoo beegmaya xilli Itoobiya ay xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalal badda Cas leh sida Jabuuti, Kenya, iyo Imaaraadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here