Axad 08, June 2025 {HMC} Dagaal xoogan Ayaa maanta ka dhacay deegaanka garas magan oo ka mid ah deegaanada hoostaga Degmadda Moqokori ee Gobalka Hiiraan, Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidanka deegaanka”Macawisley” oo weerar ku qaaday xubno ka tirsanaa kooxda oo qeyb ka mid ah deegaanka ku sugnaa.
Dagaal socday ku dhawaad 30-daqiiqo ayaa halkaas ka dhacay waxaana leysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, khasaaro wali aan wali la shaacin inta uu gaarsiisan yahay ayaana la wariyay dagaalka uu ka dhashay.
waa maalintii labaad ee ciidanka ay wareeraan deegaankan garas maqan oo u dhaxeeya Tawakal iyo Ceel-hareeri.
WIXII KASOO KORDHO HALKAAN KALA SOCO Hiiraanweyn.net