Axad 08, June 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay tallaabada Mareykanka ku mamnuucay muwaadiniin Soomaaliyeed ee doonaya in ay tagaan dalkaasi.
Safaaradda Soomaaliya ee Washington, D.C., oo mataleysa dowladda, ayaa sheegay in ay wada hadallo la yeelan doonaan Mareykanka si loo xalliyo arrimaha amniga iyo walaaca safarada.
“Soomaaliya waxay qiimeyn gaar ah siisaa xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga kala dhaxeeya Dowladda Mareykanka. Waxaan diyaar u nahay inaan wadahadal miro-dhal ah la furno Mareykanka si loo xalliyo walaacyada la muujiyey, anagoo daneynayna xoojinta amniga iyo iskaashiga labada dal.”
Hadalka safiirka oo sii socda ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba ka shaqeyneysaa horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed, la dagaalanka argagixisada, iyo kobcinta nabadda iyo xasilloonida gudaha iyo gobolka”
Hadalka Danjiraha ayaa ku soo aadaya xilli dalal kale ee Xayiraada Mareykanka lagu soo rogay ay qaadeen tillaabooyin kala duwan iyo cambaareyn.