Isniin 09, June 2025 {HMC} Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Gaalware, oo ku yaalla 4km bariga deegaanka Sabiid & Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa lagu sheegay in ciidanka Danab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen AS.
Howlgalka ayaa lagu dilay in ka badan 25 xubnood oo ka tirsan AS oo ay ku jiraan saddex sarkaal, sida lagu xusay bayaanka.
Sidoo kale, Dowladda ayaa sheegtay in tii uu socday howlgalka, ciidamada Danab ay gacanta ku dhigeen hub ay ku jiraan 6 qori oo ah PKM, 2 bam-gacmeed oo nooca RPG a, 17 qori oo ah AK-47.
Saraakiisha Ciidanka ayaa xusay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda gobollada dalka.